Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay in dib u furo Wado Degmada Kaaraan Ku xirta Isbitaalka Keysanay oo ay Xireen Dhismayaal Sharci darro ah.

Date:

MUQDISHO (SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’adaha dib u soo celinta dhulalka Danta Guud.

C/raxmaan Yarisow oo dul istaagay waddada hal-bowlaha u ah ee ku xirta Isbitaalka Keysanay degmada Kaaraan ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay furista waddadan iyo dhismayaasha Sharcidarrada ah ee la qaaday wadada.

Howlgalka lagu burburiyay dhismayaasha Sharcidarada ah ayaa waxaa fullisay Waaxda Howlaha Guud iyo Maamulka ee Degmada Kaaraan oo raacayay amarkii Duqa Muqdisho ee kusaabsanaa furista wadadaasi oo ay xireen guryaha sida sharcidarrada ah looga dhexsay halkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in talaabadani la fulliyay iyadoo la hirgelinayo cabasho ay soo gudbiyeen waxgaradka deegaanka iyo Maamulka Isbitaalka Keysanay, kuwaasi oo ka cabanayay in gaadiidka bukaanada u qaada isbitaalka ee Gurmadka deg degga ah ay ku adag tahay inuu isticmaalo wadada halbowlaha u ah isbitaalka maadaama ay xireen guryo si sharcidarro ah looga dhisay wadada awgeed.

C/raxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bulshada Magaalada Muqdisho ku dhiirri geliyey in ay u midoobaan ilaallinta iyo daryeelka goobaha Danta Guud, maadaama ay muhiimad gaar ah u leeyihiin nolasha bulshada iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale digniin culus u jeediyey dadka dokumentiyada u sameystay iyo kuwa ka dalaala guryaha lagu deggan yahay sida aan waafaqsanayn sharciga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...