Jilaa Caan ah oo Sheegay inuu ku Riyoonayo Fursad 2-aad xilli ay Soomaaliya Is-Xilqaam ku dhisanayso Golaha Murtida ee National-Theatre-ka.

Date:

MUQDISHO (SNTV)-Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, oo la furay 8-sano kadib markii Soomaaliya madaxbanaanida ay ka qaadatay Ingiriiska, ayaa ku burburay dagaaladii sokeeye ee in ka badan 20-sano ka taagnaa dalka.
Shaqaalaha dhsimaha ayaa ka qayb qaadanaya mashruuca dib loogu soo nooleeynayo Golaha Murtida iyo Madadaalada oo kuyaala magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Sida ka muuqata sawirkan oo la qaaday 3, Bishan Febraayo ee sanadkan 2019-ka.
Cabdulle Cabdi Maxamuud oo taagan dibadda Tiyaatarka ayaa sheegay inuu ku riyoonayo inuu markale kusoo laabto masraxa halkaasi oo uu doonayo inuu ka dhigo wacdarahiisa jiliinka oo soo jiidata Soomaali badan oo aan qiyaas lahayn.
Waxaa dhinaciisa ka muuqda agabka iyo qalabka dhismaha oo ay kamid yihiin Shamiito iyo dhegoxaan kamid ah burburka ay shaqalaha dhismaha dibadda uga soo saareen kuwaasi oo yaala gudaha Tiyaatarka si loogu diyaariyo dhismo wanaagsan oo qurux badan oo tiyaatarka uu heli doono waqti dhow.
Dadka soo abaabulay ayaa sheegaya in lagu dhisayo tiyaatarka barnaamij loogu magacdaray Wax loogu yeeray “Iskaa wax u qabso”
Laakiin Cabdulle Cabdi oo caan ku ah “Oday Cabdulla” ayaa filaya inuu qayb fiican ka qaato doorkiisa ku aadan shactirada taasi oo ay dad badan qosol la fuuri doonaan.
wuxuu yiri ” Inkastoon da’ ahay hadda, weli xoog ayaan leeyahay, … waxaan u jili karaa si ka wanaagsan sidii hore,” sidaasi waxaa sheegay Oday Abdulle oo 59-sano jir ah, Jilaaga ayaa wacdaro kala duwan kasoo dhigay tiyaatarka kahor inta uusan xirmin dagaalada kahor.
” Waqtigii hore waxaan kujirnay kala carar iyo inaan ka fekerno sida lagu samata bixi karo, laakiin hadda dadku waxa yrabaan madadaalo iyo cayaar…Waana rajay heeynaa hadda.”
Jilaa Cabdulle Cabdi Maxamauud ayaa wareysigan siiyay wakaaladda Wararka ee Reuters isagoo taagan afaafka hore ee Tiyaatarka.
Dhismaha Tiyaatarka ayaa la furay sanadkii 1968-dii, 8-sano kadib markii uu dalku ka xoroobay mustacmarka gaar ahaan Britain, islamarkaana waxaana lagu dhigay Ruwaayaddii ugu horreeysay isla waqtigii la furay taasi oo ay usoo daawasho tageen dadweyne aad utiro badan.
Waxsoosaarka Tiyaatarka ayaasiu bedelay halmar isagoo lasoo baxay cod wadani ah xilligii dagaalada dalka deriska ee Ethiopia sanadkii 1970-tameeyadii. waxaana suugaanta Wadaniga kamid ahaa sidan ” Haddii aanan Dhulkeygoow, Dhiig kuugu Fool dhiqin, Soomaali kama dhalan,” Sidaasi waxaa sheegay Osman Abdullahi Guure.
“Xikmadda iyo Madadaalada Tiyaatarka”
Kadib markii xilka laga tuuray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991, qab-qableyaasha qabaa’ilka ayaa ku dagaalamay dalka iyagoo isu adeegsaday madaafiicda lidka dayaaradaha kuwaasoo burbur lixaad leh uu kasoo gaaray Tiyaatarka, iyadoo sidoo kale Tiyaatarka laga dhigtay saldhig ciidan. Dhismaha waxaa sidoo kale kusoo dhacay madaafiicda dagaalka kuwaasi oo burburiyay saqafka kore ee Tiyaatarka.
Mintidiinta oo la wareegay sanadkii 2006-dii ayaa qabsaday Dhismaha Tiyaatarka.waxaana ay mamnuuceen dhammaan waxyaabaha madadaalada oo ay kamid yihiin ruwaayadaha illaa ciyaaraha kubadda cagta oo ay u aqoonsan yihiin in ay yihiin wax dembi ah.
Dowladda iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa usacabo tumay in si wadajir ah loogu aruuriyo lacag dhan $3 milyan oo doolar oo lagu soo nooleeynayo dhismaha Tiyaatarka. shaqaalaha dowladda ayaa bixiyay lacago iyadoo qaarkood ay ku deeqeen xoogooda si ay uga qayb qaataan howsha Ix-xilqaam ee Tiyaatarka.
“Waxaan filaynaa in Tiyaatarku uu noqon doono meel lagu soo bandhigo murtida, madadaalada iyo xikmadaha ayna mar soo ceshan doonto sumcaddii ay ku dhex lahayd bulshada Soomaaliyeed,” sidaasi waxaa sheegay maareeyaha Tiyaatarka Qaranka, Guure.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...