Tababar ku saabsan Dambiyada abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo dalxiiska oo Muqdisho ka furmay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tababar ku saabsan Dambiyada abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo dalxiiska oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa uga furmay Hey’adaha ka howlgala Irdaha laga soo galo dalka.

Madaxa Maamulka socdaalka iyo Xuduudaha Hey’adda IOM iyo Xafiiska Sharciyada HSJ aya furay tababarkaan.

Tababarkaan ayaa waxaa waxaa kasoo qeyb galay Saraakiil ka socotay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,Booliiska garoonka Aden Cadde, NISA, Qeybta Dambi baarista (CID), Boliiska Aduunka (Interpol), Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska (SATTA) iyo Gudigga Maamulka Diyaaradaha.

Tababarkaan oo socon doono muddo Seddex maalin ah ayaa waxaa lagu baran doonaa sida looga hortago dambiyada abaabulan iyo sida ay wada shaqeyn buuxda u dhexmari laheyd Hey’adaha ka howlgala Irdaha dalka laga soo galo una wadaagi lahaayeen Xogaha la xiriira Dambiyada abaabulan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...