Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada Oo Looga Hadlay Dib-u-habaynta Aqoonta Shaqaalaha Iyo Sharciga Daawada

Date:

Talaado, Feberaayo 12, 2019 –Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka dib-u-habaynta aqoonta shaqaalaha oo ay wado wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Sharciga dawooyinka oo ay diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulanka maanta ayaa sheegay in dawladda ay ka go’antahy in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay siiso adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh si loo horumariyo nolosha iyo wax soo saarka bulshada.

Sharciga Dawooyinka ee maanta lagu soo bandhigay tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadu waxa ay u gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan loona hor-geeyo golaha sharci dejinta.

Halbeegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo horumarinta siyaasadda iyo barnaamijka ammaanka bulshada, halka wasaaradda caafimaadka laga doonayo in dhaqan geliso xeerka qaran ee xirfadda caafimaadka, aasaasidda iyo ka shaqaysiinta guddiga qaran ee la socodka dawada, dhismaha kaydka qaran ee dawada iyo aasaasimdda machadlka qaran ee caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...