Ciidanka Xoogga Dalka oo Burburiyay Saldhigyo ay lahaayeen Argagaxisada Alshabaab

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ay Argagaxisada Al-shabaab ku lahaayeen meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobon, iyagoona Burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen weeraro ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la Hadlay Wakaalada SONNA ayaa xaqiijiyay Howlgalkan Ciidanka Xoogga ay ku qaadeen Al shabaab.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay diyaariyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa looga dilay Argagaxisada tiro Maleeshiyaad ah, waxayna kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka laga tuuro ee 7-ka, sida ay sheegeen Saraakiisha horkaceysay Howlgalka.

Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20, kuwaasi oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka maatada ah.

Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale Ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ayaa si weyn usoo dhaweeyay, iyagoona siiyay Raashin iyo Dawo.

Dhaq dhaqaaqyada ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday Argagaxisada Al-shabaab.

DAAWO SAWIRADDA MIINOOYINKA LAGU GUULEYSTAY IN LAGA SOO SAARO GOOBAHA AY GALIYEEN ARGAGAXISADA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...