Guddoomiyaha Aqalka sare oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Seoul

Date:

Muqdisho (SNTV):– Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi heer sare ah oo ka kala tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Golaha Xukuumadda ayaa waxay shir caalami ah uga qeyb galeen magaalada Seoul ee caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Nabadda Adduunka (world Peace Federation UPF),ayaa waxaa looga hadlayaa nabad galyada iyo horumarka adduunka.

Shirkan ayaa soconayaa 7-11 Febraayo 2019,waxaana ka soo qeyb galay wafuuf ka kala socotay 110 dal,waxaana si qoto dheer diirada loogu saarayaa sidii dadyawga adduunku ugu wada noolaan lahaayeen nabad galyo iyo horumar dhinac waliba ah, isla markaasna isaga kaashan lahaayeen ilaalinta arrimahaas kor ku xusan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...