Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tababar ugu soo xiray Garbahaarreey 300 Askari

Date:

Garbahaarreey-(SNTV)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, General; Bashiir Maxamed Cabdi “Ameerica” ayaa tababar u soo xiray in kabadan 300 oo Askari, kuwaas oo ka howl-geli doona gudaha Magaalada Garbahaarreey.

Ciidanka ayaa Lixdii bilood ee lasoo dhaafay Tababar uga socday Magaalada Garbaaharey ee Gobolka Gado, waxanay ammaanka Magaalada kala wareegi doonaan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, General; Bashiir Maxamed Cabdi , ayaa sheegay in Ciidanka la tababay uu u dhameyatiran yahay Agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in ay heli doonaan xaquuqda ay helaan Ciidanka Booliska ee Dalka.

Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka ee ku sugan Magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ammaanka Degmada ay kala wareegaan Ciidanka Booliska ee uu tababarka usoo dhammaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...