Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Afrika oo ka shireysa xakamaynta Qaxootiga iyo samaysashada Baasaboor mid ah | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Afrika oo ka shireysa xakamaynta Qaxootiga iyo samaysashada Baasaboor mid ah

Date:

Addis ababa-(SNTV)-Shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee Shalay ka furmay Magaalada Addis ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa waxaa looga hadlayaa xakamaynta Qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika iyo samaysashada Baasaboor ka dhexeeya Qaaradda.

Hay’adda Qaxootiga u qaabbilsan Qaramada midoobay ee UNHCR, ayaa sheegtay in 25.4 Milyan  oo Qaxootiga Caalamka ah ay 26 Boqolkiiba kasoo jeeda Waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

UNHCR ayaa sababta keentay korodhka qul-qulka Qaxootiga ku tilmaantay dhibaatooyinka ka taagan Waddamada Jamhuuriyada Bartamaha Afrika,Dalka  Koonfurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Burundi.

Dhinaca kale, Midowga Afrika ayaa shirkan kusoo bandhigaya naqshadda Hal Baasaaboor oo ay yeelanayaan Waddamada  Afrika, kaas oo fududeynaya isu socodka muwaaddiniinta Qaaradda, balse uu shaki ku jiro hirgelinteeda, sida ay Al-Jariira u sheegtay, Madaxa difaaca Gobolka ee Kooxda xasaradaha Caalamiga ee ICG, Elissa Jobson.

“Waa feker fiican guud ahaan marka loo eego dhaqdhaqaaqa xorta ah ee muwaadiniinta Afrika , su’aashu waa haddii la fulin karo,” ayay tiri ,Elissa Jobson.

Baasaboorrada ay soo saaraan Dowladaha Afrika ayaa laga yaabaa in uu meesha ka saaro Baasaboorka ay yeelanayaan 55-ka Dal ee ay Qaaraddu ka kooban tahay.

Dowladaha Qaniga ah ee Qaaradda Afrika ayaa walaac ka muujinaya in Dadka ka imaanaya Waddamada saboolka ah ay si fudud kusoo galaan haddii la sameeyo Hal Baasaboor oo Qaaradda ka dhaxeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...