Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Ballan Qaaday Dhamaystirka Dastuurka

Date:

Muqdisho (SNTV) –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray shir Muqdisho uga socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, ayaa sheegay dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaae Khayre soo xiray ayaa si qota dheer looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha lagu dhamaystirayo ee sannadkaan 2019.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, uga mahadceliyay dib-u-eegista lagu sameeyay tobanka cutub ee ugu horreeya dastuurka, isaga oo ku dhiirri geliyay in dib-u-eegista cutubyada dhiman ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guulaystaan.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay iyo halbeegyada la doonayo in sannadkaan lagu dhaqan geliyo ayaa waxaa qayb ka ah dhameystirka hannaanka dib-u-eegista iyo qabya tirka dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...