Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo qaabbilay Safiirrada Sweden iyo Norway ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Khayre,ย ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay danjirayaasha Waddamada, Sweden iyo Norway u jooga Soomaaliya, Von Uexkull Andreas iyo Rognlie Elin Bergith.

Raโ€™iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa Safiirrada kala haday xoojinta xariirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, in Dowladaha Sweden iyo Norway ay ka caawiyaan dedaallada cafinta deymaha, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Danjirayaasha, Sweden iyo Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Raโ€™iisul Wasaare Khayre, in Dowladahoodu ay ka goโ€™antahay in Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorshaha dib u soo kabahasha ee lagu xusay tubaha Qaranka.

Waxayna dhanka kale ammaaneen Safiirrada dib u habaynta ballaaran ee ay Dowladdu ku wado hannaanka Dowlad wanaagga, dhismaha hayโ€™adaha Dowladda, dhaqaalaha iyo Ciidanka.

Sweden iyo Norway ayaa kamid ah Dowladaha dedaalka badan ku bixiyay sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan labayd Qaran jabkii iyo burburkii gaaray ee Sanooyinka badan soo jiitamayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...