Madaxweyne Laftagareen oo Garoowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed

Date:

Garowe(SNTV) Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa magaalada Garowe ee Xarunta maamulka Puntland kulan kula yeeshey bulshada deegaanada Koofur Galbeed ee ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa lakulmay haweenka,dhalinyarada iyo waxgaradka,isagoo ka xog wareysanayay xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo habka is dhexgalka bulsho.

Qaar kamid ah bulshadii uu la kulmay Madaxweynaha ayaa Warbixin ka siiyay xaaladooda,iyagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wada noolaashiyaha bulshada deegaanadaasi Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa fariin u jeediyay bulshadii uu la kulmay,wuxuuna ku booriyay in ay horumarka ka shaqeeyaan.

“Ka qeybqaata horumarka,sameeya ganacsiga,dhulka dhista,gabdhah aguursada,waa dhulkiina dhulka,wixii dhimana xagga matalaada ah waad heleysiine”. ayuu ku dhiiroge geliyay madaxweyne Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa wafuudii magaalada Garowe uga qeybgashey caleema saarkii madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...