Cabdullaahi Sheikh Maxamed oo ku guuleystay doorashada Kursi ka banaan Golaha shacabka oo ka dhacday Baydhabo

Date:

Muqdisho (SNTV):- Doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoontay Magaalada baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Afar musharax ayaa u tartamayay kursigan banaan oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere oo xubin ka ahaa Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka,iyadoo 44-ergo ay dooranayeen Xildhibaanka buuxinayo Kursiga ka banaan Golaha shacabka.

Ilaa iyo afar musharax ayaa u tartamayay doorashada,kuwaasi oo kala ahaa Musharax Cabdullaahi Sheikh Maxamed,Isaaq Macallim Sheikh,Xasan Macallim Ibraahim iyo C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur,iyadoo saddex ka mid ah afarta musharaxa ay ka maqnaayeen goobta doorashada.

Eng: Maxamed Axmed Nuur oo ah xubin ka tirsan Guddiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada,wuxuuna sheegay in Cabdullaahi Sheikh Maxamed uu ku guuleystay kursiga banaana ee golaha shacabka Shacabka,isagoona helay 35-cod.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed...

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...