Cabdullaahi Sheikh Maxamed oo ku guuleystay doorashada Kursi ka banaan Golaha shacabka oo ka dhacday Baydhabo

Date:

Muqdisho (SNTV):- Doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoontay Magaalada baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Afar musharax ayaa u tartamayay kursigan banaan oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere oo xubin ka ahaa Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka,iyadoo 44-ergo ay dooranayeen Xildhibaanka buuxinayo Kursiga ka banaan Golaha shacabka.

Ilaa iyo afar musharax ayaa u tartamayay doorashada,kuwaasi oo kala ahaa Musharax Cabdullaahi Sheikh Maxamed,Isaaq Macallim Sheikh,Xasan Macallim Ibraahim iyo C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur,iyadoo saddex ka mid ah afarta musharaxa ay ka maqnaayeen goobta doorashada.

Eng: Maxamed Axmed Nuur oo ah xubin ka tirsan Guddiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada,wuxuuna sheegay in Cabdullaahi Sheikh Maxamed uu ku guuleystay kursiga banaana ee golaha shacabka Shacabka,isagoona helay 35-cod.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xarigga...