Madaxweynaha oo adkeeyey xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Date:

Garoowe (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad caawa lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

“Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe waxa uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...