Gddoomiye Cabdi Xaashi oo la kulmay Madaxweynaha Puntland

Date:

Garoowe-(SNTV)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Magaalada garoowe kula kulmay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntalnd, Siciid C/laahi Deni.

Mudane; Xaashi ayaa waxaa kulanka uu la qaatay Madaxweyne Siciid Deni ku wehliyay xubno ka tirsan wafdigii uu hoggaaminayay oo ka tirsan Goalayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa soo dhoweyn iyo kala war qaadasho, waxaana markuu soo dhammaaday warbaahinta Qaranka uga warbixiyay Senotar.;Mahdi Daahir Sheekh Nuur, isagoo sheegay in ay iyaga iyo Madaxweynaha iska waraysteen waxyaabo hoose oo ay ka mid yihiin wada shaqaynta Labada dhinac.

Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, ayaa Shalay gaaray Magaalada Garoowe, si ay ugu qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo dhowaan la doortay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ),...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa...