Miinooyin laga soo saaray waddooyin kuyaala Jubada Hoose

Date:

Jubbaland (SNTV) Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa qaybo ka mid ah gobolka Jubada hoose ka sameeyey hawlgal miino saaris ah oo waxyaabaha qarxa looga nadiifinayo waddooyinka ay maleeshiyada Al-shabaab ku aaseen.

Deegaanka Qooqaani ee Gobalka Jubada Hoose ayaa ka mid ah meelaha laga saaray Miinooyinka, kuwaas oo kooxda xagjirka ah ay doonaysay inay shacabka iyo ciidamada ku waxyeelayso.

Horraantii todobaadkan ayaa hawlgal ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubada hoose lagu dilay in ka badan 70-ka tirsan kooxda Al-shabaab, ka dib dagaal dhulka iyo duqayn cirka ah oo lagu qaaday.

Alshabaab ayaa soo food saartay cabsi iyo walal kadib markii ay sii xogeysteen howlgalada ka socda qeybo kamid ah gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,gaar ahaan meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan deeganadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...