Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isu dhiibay Boliiska Kenya

Date:

Muqdisho (SNTV):-Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa baaraya Kiiska Nin 23 jir ah oo ka ย baxsaday Xero ay tababar ku siinayeen kooxda Al-Shabaab, markii uu isu dhiibay Saldhigga Boliiska degaanka Nakuru.

Samuel Obara, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay inuu Ninkani tagay Saldhigga Maqribnimadii Axaddii ee Todobaadkan, xubinna uu ka ahaa Ururka Al-Shabaab.

Mr Obara ; ayaa sheegay in xilligii uu Ninkani u imanayay uusan wadan wax Hub ah, iyadoo si deg-deg ah uu u qaabbilay Xafiiska baarista dembiyada culus ee Nakuro , waxaana sidoo kale codsaday in ay suโ€™aalo weydiiyaan Ciidanka ka hortagga argagixisada ee Degmada Eldoret si loo hubiyo tuhmanaha.

Dembi baare sare, oo Magaciisa qariyay, ayaa u sheegay Jariiradda Daily Nation, in uu Ninkani ka baxsaday Xero tababar oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Bomboolulu , oo ka tirsan Gobolka Mombasa , kana baqaya Khatar xagga nolosha ah oo kaga timaaddo argagixisada.

Ninkan ayaa sidoo kale Boliiska Kenya u sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray Bishii September 2018-kii, Muddo Shan Bil ahna uu tababar qaadanayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...