Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isu dhiibay Boliiska Kenya

Date:

Muqdisho (SNTV):-Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa baaraya Kiiska Nin 23 jir ah oo ka  baxsaday Xero ay tababar ku siinayeen kooxda Al-Shabaab, markii uu isu dhiibay Saldhigga Boliiska degaanka Nakuru.

Samuel Obara, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay inuu Ninkani tagay Saldhigga Maqribnimadii Axaddii ee Todobaadkan, xubinna uu ka ahaa Ururka Al-Shabaab.

Mr Obara ; ayaa sheegay in xilligii uu Ninkani u imanayay uusan wadan wax Hub ah, iyadoo si deg-deg ah uu u qaabbilay Xafiiska baarista dembiyada culus ee Nakuro , waxaana sidoo kale codsaday in ay su’aalo weydiiyaan Ciidanka ka hortagga argagixisada ee Degmada Eldoret si loo hubiyo tuhmanaha.

Dembi baare sare, oo Magaciisa qariyay, ayaa u sheegay Jariiradda Daily Nation, in uu Ninkani ka baxsaday Xero tababar oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Bomboolulu , oo ka tirsan Gobolka Mombasa , kana baqaya Khatar xagga nolosha ah oo kaga timaaddo argagixisada.

Ninkan ayaa sidoo kale Boliiska Kenya u sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray Bishii September 2018-kii, Muddo Shan Bil ahna uu tababar qaadanayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...