Eng. Yarisow “Wax dulqaad ah uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah”

Date:

Muqdisho (SNTV) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib ugu soo celiyey gacanta Dawladda Hoose Xarunta Waaxda Oktoober ee degmada Waaberi oo si sharci darro ah warqado ugu sameysteen shaqsiyaad, lagana dhigay goobo ganacsi, iyadoo maanta dib loogu soo celiyey danta guud, si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in hantida Qaranka uu qof shaqsi ah iskaga heysto ama loo sameysto warqado been abuur ah.

“Waxaan soo saarnay warqad aan ku baa’bi’inay sharciyada loo sameystay dhulka danta guud, taasoo qeyb ka ah siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

“Dhammaan Dhulka danta guud waan ku raadjoogi doonaa waana ka dabategaynaa. Waxaa naga go’an inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, waxana ku shaqayn doonaa hanaanka dawladnimada iyo xayndaabkiisa si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan cadaalad waarta.”

Waaxda October ee Degmada Waaberi ayaa kamid ah goobaha loogu adeego danta guud, waxana uu maamulka G/Banaadir bilaabi doonaa dib-u-dhiska xarunta Waaxda si shacabka uga faa’iideystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay...

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...