Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Beyruut kaga qeyb galay shirka madaxeedka carbeed ee dhaqaalaha

Date:

Lubnaan (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad , isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu ka qeybgalay maanta Shir madaxeedka carbeed ee afaraad ee horumarinta dhaqaallaha iyo bulshada ee ay martigelinayso dowladda aanu walaalaha nahay ee Lubnaan.

Shir madaxeedka carbeed oo saaka ka furmay Magaalada Beyruut – sida ku xusan jadwal shaqeedka looga dooday kulankii gogol xaarka ee wasiirrada- ayaa waxaa looga hadlayaa 29 qodob oo ah waxyaabo ay dunida carbeed wadaagto sida dhaqaallaha, bulshada.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda waxyaabaha dhejitaalka laga sameeyay iyo kuwa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...