Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarunta Taliska Booliska ee Gobolka Mudug

Date:

Gaalkacyo-(SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, C/rizaaq Xaashi Cartan, Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Federaalka ee Galmudug, G/sare; Cabdi Jaamac C/lle  (Xabeeb) iyo Saraakiil kale ayaa kormeer howleed ku tegey xarunta taliska qaybta Boliiska ee Gobolka Mudug.

Kormeerkan oo uu ujeeddadiisun ahaa dar-dar gelinta howlaha ammaanka ee Gobolka, ayaa waxay mas’uuliyiintu ku tageen xarunta Taliska qaybta Boliiska Gobolka Mudug, halkaasoo ay ku jiraan ku dhowaad 260 Askari oo ka mid ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ka howl-gala Saldhigyada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Federaalka ee Galmudug, G/sare; Cabdi Jaamac C/lle  (Xabeeb) ayaa sheegay in uu ujeedkoodu ahaa wax ka ogaashaha halka ay marayaan howlaha shaqo ee Ciidanka, sixidda wixii qaldamay iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshayaasha lagu sugayo ammaanka ee Sanadka 2019-ka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, C/rizaaq Xaashi Cartan, ayaa isna sheegay in uu Boliisku yahay midka ay Bulshadu kusoo hirato, Tuutaha uu sitana ay astaan u tahay sugidda nabad-gelyada, sidaas darteedna looga baahan yahay in ay dhowraan anshaxa, isla markaana ay ilaaliyaan sharciga iyo kala dambeysta.

Mudane, Cartan ayaa ku ammaanay Ciidanka Boliiska Federaalka ee ka howl-gala degaannada Galmudug Waddaniyad iyo fir-fircooni, wuxuuna kula dar-daarmay dulqaad iyo adkaysi in ay u yeeshaan shaqada culus ee hor taalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...