Golaha shacabka oo meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe

Date:

Muqdisho (SNTV):- Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay.

158-Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe.

Sidoo kale,Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar gelinaya ansixinta sharciyada muhiimka ah ee horyaala,taasi oo cadeyn u ah howlaha ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...