R/wasaare Khayre oo soo geba gebeeyey la xisaabtanka Golaha wasiirada

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muda shan maalin ah

Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka bilaawga ah.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama wasiirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gudbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xarigga...