Kulan wada tashi ah oo lagu qabtay Magaalada Xuddur

Date:

Muqdisho January 10 (SNTV);-Waxaa Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool ka soconaya kulan wada tashi ah oo lagu dersayo baahiyaha halkaasi ka jira iyo ka baaraan-degga Mashaariicda horumarineed ee Sanadkan 2019-ka laga fulin doono degaannadaasi.

Kulankan oo Socon doono muddo Saddex Cisho ah, soona qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa  waxaa ka qeyb galaya 40 xubnood oo kala kala socota bulshada.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala socda Wasaaradaha Haweenka iyo xuquuqul Insaanka, arrimaha gudaha, Gaadiidka iyo Garoomada,mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda TIS iyo maamulka Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankani uu ahmiyad weyn u leeyahay Bulshada degaanka, wuxuuna ka qeyb galayaasha kula dar-daarmay inay qoraal ka sameeyaan baahiyaha guud ee ka jira Degmada Xuddur.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Maxamed-nuur  Madoobe Nuunnoow, ayaa sheegay in kulankan wadatashiga ahi uu fursad u yahay Dadka halkaasi ku dhaqan, isla maraana mudan in laga faa’iideysto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...