Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tagay Isbitaalka Martiini

Date:

Muqdisho January 10 (SNTV);-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa kormeer howleed ku tagey Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dhaawacyada Ciidanka xoogga Dalka iyo bukaanno kale.

Wasiirka oo ay kormeerkiisa ku wehliyeen wasiiru Dowlaha Gaashaan-dhigga, Maxamed Cali Xagaa, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda IDA oo Labadii Sana ee ugu dambeysay Gacanta ku haysa Isbitaalka Martiini, ayaa soo gaalaa-bixiyay qeybo badan oo ka mid ah Isbitalka.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Martiini, Dr; Cabdi Ibraahim Jiiya, ayaa sheegay bogaadiyay Kormeerka uu wasiirka ugu yimid iyo sida ay Isha ugu hayso Wasaaradda difaaca, wuxuuna tilmamay in ay si weyn ugu how-galeen la tacaalidda bukaanka halkaasi jiifa oo isugu jira Rag, Dumar iyo Carruur.

Sahra Cumar Maalin, oo ka tirsan guddiga xuquuqul Aadanaha ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan dedaallada ay Hay’adda IDA ku bixisay tayaynta Isbitaalkan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah Askartii ku soo dhaawacantay difaaca Qaranka, waxanay sheegtay in ay ku qasban tahay la socoshada xaaladda ay ku sugan yihiin bukaannada kala duwan.

Wasiirka Difaaca  Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa hay’adda IDA ugu mahad celiyay howsha quruxda badan ee halkaasi ka qabatay, taas oo ay idmatay wasaaradda Difaaca Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyay in ay ka faa’iideysteen Bulshada qaybaheeda kala duwan gaar ahaan Ciidamada Qalabka sida.

Wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin, ka wasaarad ahaanna ay Gacan ka geysan doonaan dayac-tirka iyo dhammaystirka baahiyaha halkaasi ka jira , wuxuuna howl-wadeennada IDA iyo mas’uuliyiinta Isbitaalkuba ku boorriyay in ay dedaalladooda sii laba laabaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...