Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo Abaalmarin la Guddoonsiiyay

Date:

Muqdisho (SNTV)  Munaasabadan abaal marinta lagu guddoonsiinayay saraakiisha Booliska AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Nigeria ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,tasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil kal eoo ka tirsan Booliska AMISOM.

Saraakiisha Booliska AMISOM ee Nigeria oo ka howlgalo Soomaaliya ee gaaraya ilaa 159 ayaa siweyn loogu ammaanay laguna bogaadiyay howlaha adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan kaalinta ay ka qaadanayaan howlaha bixinta tababarada la xiriirka qibradaha Ciidanka booliska iyo xiriirka kala dhexeya inta lagu guda jiro u adeegista bulshada.

Waxaa lagggudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino oo ay ku mutaysteen shaqo waanaag,waxaana goob joog ahaa Maj. Gen. Fidza Dludlu oo ah madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM, Rex Dundun taliyaha ciidanka booliska AMISOM,kuwaasi oo ku tilmaamay saraakiisha ka socotay Nigeria in ay muujiyeen dowr muuqda oo ku aadan in ay yihiin safiiro dhab ah oo matala Nigeria iyo Midowga afrika,kadib markii booliska Soomaaliyeed ay ka caawiyeen khibrado badan oo xagga gudashada waajibaadkooda la xiriira.

“AMISOM waxaa ay ku faraxsantahay shaqooyinkii wanaagsana oo ay qabteen guutadan booliska Nigeria,iyagoo muujiyay shaqo wanaag,kaalina ka qaateen nabadda iyo amniga Soomaaliya,waxay muujinaysaa in si dhab ah ay u guteen waajibaadkooda,iyagoo maray dhamaan shuruucdii iyo xeerarkii u degsanaa,wadashaqeyn fiicana lalahaa dhinacyada kale”. Ayuu yiri Maj. Gen Dludlu

Ciidamada Booliska AMISOM ayaa la aaminsanyahay in dowr muuqda ay ka qaadanayaan taageerista ciidanka booliska Soomaaliyeed,iyagoo ka caawiya waxyaabo badan oo sahlaya gudashada waajibaadkooda si hufan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...