Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan wadatashi ah la yeelatay Ururada Bulshada rayidka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wadatashigan Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay la yeelatay Ururada Bulshada rayidka ayaa ku qotomo dardar gelinta diyaarinta qorshaha horuamrinta sagalaad ee dalka uu yeelanayo,kaasoo wadatashi lagala yeelanayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo ay joogan.

La taliaha Wasaaradda Qorsheynta Abuukar Saneey ayaa qeexaya waxyaabaha ay ka wada hadleen Ururada Bulshada rayidka.

“Maanta waxan kala hadlaynay ururada bulshada rayidka qaabkii aan u bilaabi lahayn diyaarinta qorshaha horumarinta Qaranka iyo qaabkii ay wadatashiga uga qeyb qaadan lahaayeen bulshada oo dhan,waxayna noo soo gudbiyeen qodabo muhiim ah,kuwaas oo dhaxal u noqon doona shacabka Soomaaliyeed.

Ururada Bulhshada rayidka ee ka qeybgalay wadatashigan ayaa soo bandhigay talooyin ku aadan qorshaha horumarinta Qaranka,qaabka loo bilaabi lahaa wadatashigiisa iyo hanaanka lagu eegayo qeybaha kala duwan ee tiirarka qorshaha ka kooban yahana lagu dhax muujiyo ahmniyada dalkeenna.

Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa wado wadatashi ku aadan diyaarinta qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, kaas oo qorshahii sagaalad oo ay dowladda Soomaaliya ay yeelato tan iyo Dowladdii dhaxe. waana talaabooyin muujinayo heygalka dowladnimo.

W/Q: Abdirashiid Nur Ibraahiim.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...