Shacabka Caasimadda oo Muujiyey Kalsoonida Madaxda Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga qeyb-galay Degmada Waaberi Munaasabad lagu taageerayay aqbalaaddii Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres go’aankii Dawladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen go’aankii ay Dawladdu ay ka qaadatay Wakiilkii hore QM u fadhiyey Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabadaasi ay dhiirigelisay kalsoonida ay shacabku u hayaan Madaxda dalka,

Eng. Yarisow waxuu sheegay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay isku imaatino dhowr ah oo lagu xoojinayay midnimada shacabka iyo Dawladda, isla markaana lagu caddeynayay mowqifka wadajira ee ku aaddan go’aankii laga qaatay ergay Nicholas Haysom .

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay in marnaba aan la aqbali doonin faragelin shisheeye ee gudaha dalka, taasoo ah mid laga soo gudbay, waqtigana ay Soomaaliya hayso horumarka iyo wax-wadaqabsiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kula dar-daarmay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada-jeesto wax walba oo dhibaato u keenaya qaranimada iyo qabka ummadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenadda Gobolka, Xoghaya iyo bulshada ku nool afarta Degmo ee Waliyoow Cadde.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...