Norway oo 54.3 milyan oo doolar ku bixinaysa dib u dhiska Soomaaliya.

Date:

Oslo (SNTV) Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.

Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto  xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa.

Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsanNikolai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in arrintan ay tusaale u tahay sida ay Dowladda Norway ugu kalsoon tahay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolai Astrup in kaalmadan ay Dowlasiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaag-sanaanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...