Guddiga Doorashada Ee guddoonka Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay.

Date:

Garowe (SNTV) -Guddoomiyaha Ku-meel gaarka ah ee Golaha Wakiilada Dawlad goboleedka Puntland Mudane Yaasiin Xuseen Xaaji Jaamac ayaa magacaabay Guddigii ka shaqeyn lahaa qabsoomida doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo labadiisa Ku-xiggeen.

Guddiga doorashada Baarlamaanka ee uu magacaabay ku simaha guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa ka kooban 6 xubnood iyo guddoomiyahooda, waxaana sida qorshuhu uu yahay ay ka shaqeyn doonaan qabsoomidda doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile ayaa loo magacaabay gudoomiyaha Guddiga doorashada gudoonka Golaha wakiilada Puntland.

Doorashada gudoonka golaha wakiilada Dawlad goboleedka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 4-bisha Janaayo oo ku beegan maalinimada Jimcaha ee soo socota, waxaana u sharaxan xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen musharixiin gaaraya 8 musharax.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...