Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto

Date:

Muqdisho (SNTV):- —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kha yre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan Pekka Haavisto oo ka tirsan baarlamaanka Finland, khabiirna ku ah arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika, kana oo shaqeeyay machadka Nabadda dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Pekka Haavisto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha cafinta daymaha, dib-u-eegista dastuurka, hannaanka diiwaan gelinta xisbiyada dalka iyo doorashooyinka la filayo dalka in ay ka qabsoomaan 2020.

Pekka Haavisto ayaa hoggaanka dawladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga go’antahay dib usoo kabashada Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dawladda Filand ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...