Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.
Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Maleyshiyada Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe.
Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar oo nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.
Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac nabadiidka Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka
Ku dhawaad 30 Maleyshiyaad ah iyo 4 horjooge oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye Bogmadow
General Bogmadow ayaa Tilmaamay in Horjogayaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo horjooge oo Ajaanib ah
Magacyada horjogayaasha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka waxaa kamid ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya iyo Hassan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo isna heysta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya nabadiidka Al-shabaab
Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Maleyshiyaadka fuliya isqarxinta, kuwaas oo Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in saldhigga uu ka mid ahaa Goob ay nabadiidka Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah