Dhagar qabe horay Baydhabo ugu dilay Sheek caan ah oo dil toogasho ah lagu fuliyey

Date:

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka Xukun dil ah ku fulisay Dhagar Qabe ka tirsanaa Maleeshiyaadka Alshabaab kaasi oo horey dil uga geystay magaalada Baydhabo ee xarunta KGM ee Koonfur Galbeed.

Dhagar qabaha dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Boorow,kaasi oo Masjid kuyaala magaalada Baydhabo ku dilay Sheekh Madeer Madgaab oo ka mid ahaa culimaa’udiinka caanka ka ahaa magaaladaasi Baydhabo.

Goobta xukunka dilka ah uu ka dhacay waxaa ku sugnaa guddoomiyaha Maxakamadda Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo guddoomiyhaha maxakamadda Sare ee ciidanka Qalabka sida Liibaan Cali Yarow.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada ayaa ka hadlay xukunkaasi dilka ah oo maanta ay fuliyeen.

“Shabaab Maxamed Aadan Cali(Boorow) 24 jir ah ina Khadiijo Macalin Maxamed ku dhashey Bokool waxaa xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeyey in isagoo ka tirsan Alshabaab uu Masjidka Sheekh Aadan War-iisha, ku dhex dilay Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,taariikhu markay ahayd 15/6/2017,dilkaasi oo ka dhacay degmadan Baydhabo,taariikhdu markay ahayd 21/6/2017 waxay maxakamaddu ku xukuntay dil toogasho,racfaan ayuu ka qaatay xukunkaasi,5/7/2017 Maxakamadda ciidanka qalabka sida waxaa ay markale u fariisatay dacwadiisa waxaana lagu xukumay dil toogasho ah,maadaama ay ku cadaatay in  uu dil barer ah uu u geystay marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,maanta oo taariikhu ay tahay 29/12/2018 waxaa lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa,Wabilaahi Towfiiq”. Ayuu yiri Muumin Xuseen C/llaahi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...