Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo booqatay Isbitaalka AMISOM

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ku xigeenka Madaxa Ciidanka Midowga Afrika iyo Saraakiil kale ayaa booqday bukaanno kala duwan oo ku jira Isbitaalka AMISOM ee Muqdisho.

Booqashada ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa taliyaha Ciidanka howl-galka AMISOM, Jenaraal, . Kitila Bulti Tadesse iyo Jenaraal, Michael Kabango, oo ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Ciidanka Midowga Afrika.

Bukaannada ayaa isugu jira, Askar qabta dhaawacyo kala duwan iyo Dad rayid ah oo lagu dabiibayo halkaasi, iyadoo la guddoonsiiyay Raashiin fudud oo nafaqaysan iyo waxyaabo kale oo looga tala galay inay isticmaalaan inta ay Isbitaalka ku jiraan.

Qaybta Labaad ee Isbitaalka AMISOM oo looga tala galay shaqaalahahowl-galka Midowga Afrika, ayaa sidoo kale lagu qaabbilaa Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...