Wasaaradda waxbarashada XFS oo tababar u furtay 270 macalin

Date:

Muqdisho (SNTV)-, December, 25, 2018:- Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Muqdisho tababar  ugu furtay 270 macallin oo wax ka dhigi doona dugsiyada ku yaalla gobolka Banaadir.

Tababarkan loo qabtay 270-kan macalin ayaa socon doona muddo 10 maalmood ah, waxana tababarka macallimiintaan soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Macallimiinta tababarkan ka qeyb galay  ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkaana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali oo tababarka furay  ayaa sheegay in macalimiinta lagu tababari doono manhajka cusub ee buugaagta dugsiyada hoose ee dhawaan la daabacay.

“Wasaaradda waxbarashada XFS,waxaa ka go’an kor u qaadista aqoonta macallimiinta wax kadhiga dugsiyada dowladda tababarka macalimiinta waxa uu ka sameyneynaa guud ahaan dalka,’ayuu yiri  Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  Xasan Maxamed Cali.

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...