Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.
Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).
Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.
Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...