Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Hiiraan

Date:

Baladweyne-(SNTV)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanay kuwa nabad ilaalinta AMISOM ayaa Maanta waxa ay howlgallo lagu baacsanaya Malleeshiyada Al-Shabaab ka wadaan degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Howlgalladan ayaa waxay si gaar ah ugu socdaan Waddooyinka isku xirta Degmada Jalalaqsi, Buur-weyn iyo Fiidoow, iyagoo halkaasna ka sameeyay baaritaanno la xiriira sidii halkaasi looga Cirib tiri lahaa haraadiga Kooxda Al-Shabaab iyo Dadka Gacan-saarka la leh.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay Malleeshiyaadku halkaasi ku dhibaateeyaan Dadka musaafurka ah ee isaga kala goosha Degmooyinka Gobolka, iyagoo dhac iyo boob u geystay Gaadiid u rarnaa Degmada Buulo-burte.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...