Ciidamada amniga oo Gacanta kusoo dhigay hoggaamiyihii qaraxdii Maanta ee Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka amniga Qaranka oo kaashanaya Shacabka ayaa Gacanta kusoo dhigay hoggaamiyihii howlgalka qaraxyadii Al-shabab ee Maanta lagu gumaaday Ummadda Soomaaliyeed iyo wadahii Gaarigii danbe eek u qarxay Taallada Daljirka dahsoon, kaas oo qarxay xilli ay Ciidanka amniga Gacanta ku hayeen , kadib markii shacabka laga fogeeyay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hayโ€™adda NISA ayaa lagu sheegay in weerradan qorshahoodu uu ahaa in lagu laga beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee National Terte-ka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda oo iskaashanaya ay dayactir ka wadeen.

Qoraalkan ayaa gebagabdii lagu yiri ,โ€ ficilladooda arxandarrada ah nama wiiqo doono, dibna nooma celin doono inta Ciidanka iyo Shacabka iskaashanayaanโ€

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale