Wasiirka waxbarashada XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayo horumarinta waxbarashada

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdulahi Goodax Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaad laha ee wasaaradda waxbarashada.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada Dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa tayada waxbarashada, tababarka macallimiinta iyo Manaahijta cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaad laha ee Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS, kulanka waxaan ku lafa gurnay sidii xoogga loo saari lahaa horumarinta waxbarashada Dalka, islamarkana loo dardar gelin lahaa tayada waxbarashada, tababarka macalimiinta iyo manahijtada cusub ee  wasaaradda ay diyaarineyso”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Mudane, Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada  ay ka go’an tahay sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta Waxbarashada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...