Wasiirka Amniga XFS oo Tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuurkar Islow Ducaale ayaa tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,  kuwaasi oo tababar ku qaatay Xerada Tababarka ciidanka ee TurkSom.

Saraakiishaan tababarku usoo gabogabeeyey ayaa noqon doono Macalimiinta Tababar siin doona labo boqoloo kun (2,000) oo askari oo ka tirsan Ciidanka booliska oo ay tababarayso Dawladda Turkiga.

Waxaa goobjoog ahaa Munaasabadda xiritaanka Tababarka Taliyaha Ciidanka Boolislka Soomaaliyeed, taliye ku-xiggeenka Booliska iyo Saraakiisha xerada TurkSom.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...