Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee dhalinyarada baarlamaanada Adduunka

Date:

Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Baku ee caasimadda dalka, Azerbaijan shirka 5aad ee Xildhibaanadda Adduunka (Fifth Global Conference of Young Parliamenterians). Shirkan waxaa si wadajir ah,usoo Qaban qabanqaabiyay Midowga Baarlamaanka Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka dalka Azerbaijan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dhalinyarada dunida, caqabadaha hasyta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga dhalinyarada ee Baarlamaanada dunida. Boqolkiiba labo (2%) kaliya ayaa lagu,qiyaasaa hadda dhinyarada xildhibaanada ee baarlamaanada kala duwan ee  dunida, Sidoo kale qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa dowlad wanaaga,isbaddalka Cimilada Adduunka (Climate Change) iyo doorka dhalinta.

Senator Hodan Osman iyo Senator Saciid oo ka socday Aqalka Sare ee dalka ayaa ku matalay Baarlamaanka Soomaaliya shirkan oo muddo labo maalin  ka socday dalka Azerbaijan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...