Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Amiirka Qatar

Date:

Dooxa (SNTV):- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amiirka Qatar uga mahadceliyay soo dhawayntii ballaarnayd iyo marti soorka Dooxa loogu sameeyay wadfiga uu hoggaanayo.

Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than, ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan xoojinta xariirka laba dal iyo taageeradooda shacaka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalmihii uu dalkaasi joogay la kulmay dhiggiisa dalkaasi, waxa uuna maanta ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...