Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Danjiraha dawladda Turkigu usoo magacaawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mehmet Yilmaz.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay wada-shaqaynta iyo dardar gelinta xoojinta xariirka walaaltinnimo ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan maanta soo dhaweeyo safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, oo ah rug-cadda horumarineed iyo Saaxiib Soomaaliyeed. Waxa aan rajaynayaa in uu sii amba qaado cusubka iskaashiga labada dawladood.” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga mahadceliyay soo dhawaynta wanaagsan, waxa uuna ballan qaaday in uu ka shaqaynayo danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka ah.

Safiirka cusub ee Turkigu usoo magacaabay Soomaaliya oo bedelay safiirkii hore Amb. Olgan Bakar, ayaa madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxmed (Farmaajo waxa uu maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...