Salman Ben C/casiis oo Amiirka Qatar ku Casuumay kulanka Ururka Iskaashiga Khaliijka

Date:

Riyadh (SNTV) Boqorka dalka Saudi Arabia Salman ayaa Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ku martiqaaday in uu kasoo qeybgalo kulanka 9-ka bishan lagu wado in ay magaalada Riyadh  ay kaga qayb galaan madaxda Ururka Iskaashiga ee dalalka Khaliijka.

Warkan oo la shaaciyay maalinimadii shalay ayaa daba jooga go’aanka dalka Qadar ee maalin kahor ay ku sheegtay in ay ka baxeyso Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka ee OPEC.

Wakaaladda Wararka Qadar,ayaa sheegtay in Amiiirka dalkaasi uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Saudi Arabia ,kaas oo la xiriira ka qeybgalka kulanka dalalka Khaliijka,balse ma caddeyn in Amiirkaasi uu u socdaali doono xagga Sacudiga.

Sanadkii hore kulanka dalalka Khaliijka oo lagu qabtay dalka  Kuwait, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain,waxaa shirkaasi uga qeybgalay Wasiirro iyo R/asaare ku xigeenno halkii la rabay inay soo xaadiraan Madaxda sare ee wadamadaasi.

Kuwait ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay fileyso in kulanka 9-ka bishaan ka dhacaya magaalada Riyaad ay isugu imaan doonaan dhammaan madaxda Khaliijka ,ka dib dadaal dheer oo ay u gashay dhexdhexaadinta Qadar iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo xayiraad dhinacyo badan bishii June ee sanadkii hore ku soo rogay Qadar.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...