Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa

Date:

Muqdisho:  Aqalka Sare: 05.12.2018 (SNTV)-Golaha Aqalka sare BFS ayaa  yeeshay  kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa. Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa soo xaadiray 31 senator, Gudoomiyaha  Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor aqrisay sanatarada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad.

Wasiirka cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa mudanayaasha uga mahadceliyay dadaalka golaha aqalka sare uu ka gaystay hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddoonka Golaha waxa uu sheegay  in golaha cod la gelinayo, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay codkii gacan taaga ahaa oo ay 31 ansaxiyeen, mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...