Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa

Date:

Muqdisho:  Aqalka Sare: 05.12.2018 (SNTV)-Golaha Aqalka sare BFS ayaa  yeeshay  kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa. Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa soo xaadiray 31 senator, Gudoomiyaha  Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor aqrisay sanatarada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad.

Wasiirka cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa mudanayaasha uga mahadceliyay dadaalka golaha aqalka sare uu ka gaystay hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddoonka Golaha waxa uu sheegay  in golaha cod la gelinayo, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay codkii gacan taaga ahaa oo ay 31 ansaxiyeen, mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tegay Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo...

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...