Wasiirka Waxbarashadda XFS oo magaaladda Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta “Sawirro”

Date:

Qaahira (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa magaaladda Qaahira waxa uu kulan kula qaatay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Qeyd.

Labadaasi Masuul ayaa kawada hadlay Horumarinta Waxbarashadda dalka, Tababarada Macallimiinta iyo siddii dib loogu dhisi lahaa dugsiyaddii lagu baranayey Afka Carabiga ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Qeyd ayaa Sidoo kale waxay kawada hadleen siddii Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah uga qaadan lahey shirka looga hadlayo arrimaha waxbarashadda Soomaliya, kaasi oo ka dhaci doona dalka Kuwait.

“Waxaan magaalada Qaahira ee dalka Masar kulan kula qaatay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd, waxaana ka wada hadalnay horumarinta waxbarashada, tababarada macallimiinta iyo in dugsiyadii lagu baranayay afka Carabiga dib loo soo nooleeyo, Waxaan kaloo ka wada hadalnay in Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah ka qaadato shirka looga hadlayo arrimaha waxbarashada Soomaaliya kaasoo ka dhici doona dalka Kuwait” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashadda XFS.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre sheegay in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS mar kasta dadaal ay ugu jirto siddii loo horumarin lahaa Waxbarashadda Dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...