Wasiir ku xigeenka Amniga oo ka qeyb galay Shir looga hadlayey Bur-burinta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa

Date:

Geneva December 2 (SNTV):-Madax ka socoto Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir looga hadlaayay baahida Soomaaliya ay u qabto ka hortaga Walxaha Qarxa si ay u fuliso waajibaadka ka saaran in ay bur-buriso Miinooyinka Dhulka iyo Walxaha qarxa, maadama Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay Dowladdaha Saxiixay heshiiska Ottowa Treaty iyo Caqabadaha hortaagan in laga dhigi Soomaaliya meel ka madax banaan Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa.

Shirka oo lagu soo gaba gabeeyey magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse oo ahaa Madaxa Wafdiga Soomaaliya, Safiirka Somaaliya ee Switzerland Faaduma Cabdullaahi Maxamed iyo Wafdi kale oo ka socday Hay’adda Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kaso qeyb galay shirka Dowladdo daneynaya in ay wax ka qabtaan Soomaaliya iyo Hay’addo Caalami ah, sida Netherlands, Finland, European Union, Canada, Norway, UNDP, UNMAS iyo kuwa kale, iyadoo shirar gooni gooni lala yeeshay Hay’addaha kala ah UNMAS, UNDP ITF and DDG.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse waxuu ka sheegay shirkaas si loo gaaro in ay Soomaaliya noqoto meel ka madax banaan miinooyinka sanadka 2022 in loo baahanyahay dardargelinta howlaha miino saarka Dalka ay ka hayaan Hay’addaha Caalamiga ah.

Sidoo kale waxuu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay geyn doonto Baarlamanka sharciga Miino Saarka Dalka Soomaaliya iyo kan Hay’adda SEMA iyo in sidoo kale la caawiyo dadka Ku wax yeelobay qaraxyadda Miinoyinka iyo walxaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...