Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loogu soo xiray Tanzaaniya

Date:

Tanzania December 2 (SNTV):-Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya gaar ahaan qeybaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa tababar ugu soo xirmey magaalada Moshi ee dalka Tanzaaniya.

Tababarkaan oo lagu baranayey hababka socdaalka iyo amniga xuduudaha ayaa waxaa iska kaashanayey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).

Saraakiishaan ayaa booqdey qaar ka tirsan xuduudaha dalka Tanzania uu la leeyahey dalalka dariska la ah, iyaga oo soo arkey hababka iyo saraakiisha ka howlgala.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa howlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso,waxaana socda dadaalo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...