Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Turkiga kula kulmay Madaxda Xisbiga AK Party

Date:

Ankara (SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo sugan Dalka Turkiga ayaa halkaas kulan kula qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga AK Party Mudane Cevdet Yilmaz iyo Afhayeenka Xisbiga Yasin Akday.

 

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo socdaal shaqo ku joogo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulanka ay la qaateen madaxda Xisbiga AK Party waxa ay kaga hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo nidaamka xisbiyada badan oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo dalka.

“Waxaan la kulmay Guddoomiye ku xigeenka iyo afhayeenka Xisbiga AK Party ee Turkiga Mudane Cevdet Yilmaz iyo Yasin Akday waxaanu ka sheekaysanay nidaamka Xisbiyada badan iyo doorashooyinka”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...