Guddoomiye Yariisow iyo dhiggiisa Magaalada Nairobi oo kulan muhiim ah yeeshay

Date:

Muqdisho (SNTV):— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha magaalada Nairobi Mike Sonko, iyagoo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixinno dhinacyo badan taabanaya ka siiyey dhiggiisa magaalada Nairobi isbadellada dhinacyada horumarka ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray iyo sida ay muhiimka u tahay in labada dhinac ay sameystaan iskaashi ku qotoma danaha labada Caasimadood.

Eng. Yarisow ayaa xusay in magaalada Muqdisho oo ahayd mid kamid ah Caasimadaha ugu bilicda san Afrika ay xiligan ku jirto dib-u-soo kabasho, lagu soo celinayo kaalintii ay caalamka ku lahayd, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Caasimadaha kale ee dalalka dariska ah ay uga daydaan horumarrada kala duwan.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey bushada Kenya sida walaaltinimada ah ee ay u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in magaalada Nairobi ay door muhiim ah ka qaadatay dib-u-soo-celinta Dawladnimada Soomaaliya, iyadoo lagu qabtay shirar door ah oo dib loogu unkayo Dawlad Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa bogaadiyey qorsheyaasha dib-u-soo-kabashada iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xustay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan soo celinta bilicdii ay Muqdisho caanka ku ahayd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...