Mareykanka oo faah faahiyay khasaaraha Alshabaab ka soo gaaray duqeymihii ugu dambeeyey

Date:

Africom (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu faah faahiyay weeraro dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya,maalmihii la soo dhaafay,iyagoo ku bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayeen maleeshiyada Alshabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in ilaa 6 weerar ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug Bishan November,duqeymahaasi oo lagu dilay ilaa 55 ka tirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan koxda ALshabaab.

Weerarkii ugu dambeyeey ayaa talisku sheegay in lagu dilay ilaa 3 xubnood oo ka tirsan argagixisada Alshabaab,iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan howlgaladaasi si Alshababa looga difaacayo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sido kale qoraalkaasi lagu sheegay in ciidamadu ay fuliyeen weeraradasi iyagoo ka feejigan in aan wax dhibaato ah soo gaarin shacabka,taasina lagu guuleystay.

Mareykanka ayaa sheegay in ilaa 36 weerar uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkan 2018 gudihiisa,kuwaasi oo ujeedku ahaa burburinta iyo beegsiga xarumaha iyo maleeshiyada ALshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...