Maleeshiyada Alshabaab oo isaga cararay degmada Xaradheere

Date:

Muqdisho (SNTV)- Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa Wararka Naga soo gaaraya waxa ay sheegayaa in Maleeshiyaadka Alshabaab ay isaga bexeen degmadaasi kadib markii ay sii kordheen howlgalada lagu beegsanayo koxdaasi ee ka socda deegaanada Gobolkaasi.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameeynay ayaa waxa ay  xaqiijiyeen in Maleeshiyaadka Alshabaab ay halkaasi isaga bexeen,waxaana cidlo ah Saldhiga Degmada Xarunta Degmada iyo Goobo kale oo Argagixisada Fariisimo u ahaa in ka badan Toban Sano, Dadka ayaana waxa ay sheegayaan in ay galeen Dhulka Howdka ah.

Ka bixitaan Maleeshiyaadku ka bexee Degmada xarar-dheere ayaa loo sababeeyey Laba Arimood kuwaa soo kala ah iyagoo aad ay u baqdin galisay Duqaymihii isdaba jooga ahaa ee lala beegsaday Kooxda iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo ku wajahan Aagaas taasina waxa ay sahashay in Maleeahiyaadka uu soo wajaho Qalqal xoogan.

Dhinaca kale Maleeshiyaadka ayaa Xalay khasaare lagu gaarsiiyey Duqayn lala beegsaday 48kii saacadood ee la soo daafay,kadib duqeymo lagula beegsaday qeybo kamid ah Deegaanno hoostaga Degmada Xaradheere.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhiyay howlgalada isugu jira weerarada tooska ah iyo duqeynta xagga cirka ah,taasi oo keentay in cabsi xoogan ay soo wajahdo koxda Alshabaab.

By: Mohamed Abdi Mohamed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...